Muqdisho – (Mareeg.com): Shir looga hadlayo dib-u-heshiisiinta dadka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Munaasabadda furitaanka shirweynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay ergooyin caalamka ka kala imaanaya, iyadoo uu furi doono madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkaan ayaa qeyb ka ah dhaqan gelinta heshiis ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya bishii August ee sannadkan 2013.
Shirkaan oo ay ka qeybgelayaan ma’suuliyiin ka socota dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamulka KMG ah ee Jubba iyo wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa looga hadli doonaa heshiisiinta beelaha wada dega gobolladaas, dhameystirka maamulka KMG ah ee Jubba iyo hergalinta federaalka.
Radio Muqdisho oo ah Radio-ga ku hadla afka dowladda Soomaaliya ayaa saaka sii daayey warkaas, wuxuuna sheegay in ergooyinka ka qeybgelaya shirkaas qaarkood gaareen xarrunta shirku ka dhacayo oo ku taalla Muqdisho.
Waxaa la filayaa in isla manta ay Muqdsiho soo gaaraayn ergooyin ka qeyb galaya shirkaas, kuwaasoo ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarrunta Jubada Hoose.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka deegaanada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku furmayo.
“Waxaan fileynaa in dhamaan ay soo gaaraan Muqdisho ergooyinka, wuxuuna shirku sida ugu dhaqsiyaha badan, wuxuuna ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka deegaanada Jubooyinka, ujeedada waxay tahay in maamulada la dhiso, oo dhamaan dadka deegaanka iska dhex arkaan”ayuu yiri Eng. C/raxmaan Yariisow.
Dowlada Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in shir dib-u-heshiisiin loogu qaban doono magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo, labo jeer ayuuse dib u dhacay kadib markii uu qaadacay maamulka Axmed Madoobe hogaamiyo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khamiistii booqasho ku tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna halkaas kula soo kulmay madaxda KMG ah ee maamulka iyo hogaamiyaasha bulshada, iyadoo ay muuqato inuu maamulka iyo deegaankaba ku qanciyey iney ka qeybgalaan shirka Muqdisho.
Mareeg.com