Shirweynaha Dib U Heshiisiinta Jubooyinka Iyo Gedo Oo Maanta Furmi Waayey & Waqtiga Cusub Oo La Shaaciyey

Read Time:1 Minute, 15 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Shirweynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo Gedo oo lagu waday inuu maanta gellinka dambe ka furmo magaalada Muqdisho ayaa markale dib u dhaca ku yimdi kadib markii qaar ka mid ah ergooyinku maanta soo gaari waayeen caasimadda.

Wasiir kuxigeenka warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee Xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire, kana mid ah gudiga qaban qaabada shirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu qorshihiisu ahaa in gelinka dambe ee maanta uu furmo, hayeeshee ay jiraan ergo muhiim u ah shirka oo diyaaradii siday ay soo daahday.

Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa xusay in shirka uu berito si rasmi ah uga furmi doono Muqdisho, wuxuuna xusay in inya badan ergooyinku soo gaareen caasimadda balse ay jiraa qaar soo daahay.

“Beri subax ayuu furmi doonaa Shirka, Ergooyinka badankood way soo xaadireen oo qaar badan ayaa ka yimid Jubbooyinka, wayna qaateen kaararkii ay shirka kaga qeyb geli lahaayeen, wax kale oo dhib ahna ma jiraan, sidaa darteed beri ayuu shirka furmi doonaa haddii uu Alle idmo” ayuu C/shakuur Cali Mire oo manta warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Ergooyinka ilaa hadda diyaarka ah ayaa ku sugan hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalana loo qeybiyey kaararka ka qeybgalka shirka.

Dib u dhaca ku yimid shirkaan ayaa ka duwan kuwii hore, iyadoo xilligaas dib u dhaca uu sabab ahaa maamulka Juba oo shirka saluugsanaa, balse dib u dhacan ayaa ah mid farsamo oo la xiriira ergooyinka qaar oo ku imaan waayey waqtigii loogu talagalay.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %