Shirkii wasiirada arrimaha debadda IGAD oo lasoo gebagebeeyey & wafdiga oo dalka ka dhoofay

Read Time:2 Minute, 59 Second

Mareeg.com: Shirkii halka maalin ahaa ee ay Muqdisho ku yeesheen wasiirada arrimaha debadda IGAD ayaa lasoo gebagebeeyey.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo xiray shirkaas oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in shirkani fursad muhiim ah u yahay Soomaaliya oo markale dib usoo ceshatay sumacadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka gaar ahaan dalalka IGAD.

RW Cumar C/rashiid, ayaa ku tilmaamay Dowlada Soomaaliya in ay diiradda saarayso ka miro dhalinta hiigsiga 2016, waxa kastana loo kala horumarin doona sida ay u kala mudan yihiin oo ay ugu horreeyaan xoreynta iyo nabad kusoo dabaallidda dalka, Siyaasad xasilan oo ay ka qayb galaan qabaha kala duwan ee bulshada, hilidda daryeel caafimaad, waxabarasho iyo dhiirigalinta ganacsiga si uu sal dhig ugu noqdo hormarinta dhaqaalaha.

“Waxaana asaaska u dhigaynaa sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd 2016, anagoo kaashanayna beesha caalamka. War murtiyeedkii ka soo baxay shirkaan wuxuu xoojinayaa balanqaadkeena ku aadan arigtada 2016, xoojinta nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo qaabaynta xasilinta dalka si loo helo Soomaaliya oo nabada ah” ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas ku daray in Xukuumadda uu soo dhisi doono muhiimadda siin doonto, dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka, dhamaystirka nidaamka federaalka, iyo in dalka la gaarsiiyo in qof kasta helo fursad uu wax ku doorto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda uu dhisi doono ay horyaalaan arrimo muhiim ah oo dalka looga saarayo marxalada uu ku jiro, isagoona sheegay in si dhaqso ah u soo magacaabayo Golaha Wasiirrada kuwaas oo noqon doono kuwa leh khibrad maamul oo fulin kara howlaha dowladda horyaala.

“Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay dadaal u gali doontaa sidii loo heli lahaa wadatashi iyo isfaham dhex mara madaxda qaranka, tani waxay awood noo siinaysaa inay xukuumadu ku shaqayso siyaasad xasiloon, taas oo abuuri karta wada shaqayn dhex marta dhamaan qaybaha kala duwan ee dowladda, waxayna horseedi kartaa in la hanto kalsoonida shacabka”ayuu yiri Ra’uusul Wasaaruhu.

RW Cumar, ayaa ugu danbeyntii xusay si arimahaan guul looga gaaro loo bahan yahay taageero iyo garab istaaga bulshada caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada IGAD. Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho uu shirkani marti galisay ay qeyb ka tahay sida looga miro dhaliyey balanqaadkii dowladda iyo taageeradii ay siiyeen dowladaha IGAD dalka Soomaaliya xili dagaallo lagula jiro kooxaha nabad diidka ah.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay in shirkan uu yahay mid taariikh ah oo muujinaya horumarka laga gaaray ammaanka iyo siyaasada Soomaaliya.

War murtiyeedkan oo ka koobnaa dhowr iyo labaatan qodob ayaa looga hadlay horumarada laga sameeyay Soomaaliya, sida dhismaha Maamul KMG, ammaanka, magaabistii Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo bogaadin loo jeediyay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ah Gudoomiyaha Golaha Wasiirada IGAD ayaa ugu dambeyn u akhriyay saxaafada war murtiyeedka laga soo saaray shirka, wuxuuna cadeeyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar, isla markaana IGAD ay garab taagan tahay.

Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in shirkan lagu qabtay Soomaaliya markii u horeysay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe, isagoo xusay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay IGAD iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa sheegay in IGAD ay xushmeyneyso u hayaan madax banaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, kadib shir hal maalin ah, isla markaana ay xalay ku hoydeen magaalada Muqdisho.

Wadooyinkii xirnaa ayaa duyrba dib loo furay waxaana gancsiga iyo isu socodku kusoo noqday sidoo hore.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %