Shirkii saddex geesoodka Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo la isku fahmi waayay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkii saddex geesoodka Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo la isku fahmi waayay

Waxaa natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday shir saddex geesood ahaa oo shalay illaa xalay Madaxtooyada Garowe uga socday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sida ay sheegayaan warar qaar ,ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa shirka la yimid qodob ah in Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay marka hore aqoonsadaan Maamulka Galmudug oo uu xusay inuu ka kooban yahay Hal gobol iyo bar.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa durbadiiba ka soo horjeestay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ay sheegeen in aysan sinaba u aqoonsanayn maamul ka kooban hal Gobol iyo Bar oo hareer marsan Dastuurka Soomaaliya, waxaana ay si wada jir ah u u tilmaameen in maamulada dhismaya ee hoos imaanaya Dowladda Federaalka in ay noqdaan kuwo waafaqsan Dastuurka ay ku heshiyeen Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale qodobka labaad ee la isku mari waayay ayaa ahaa in Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay aqoonsadaan Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Federaalka, arrintaasoo Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen inay tahay mid aan u cuntamayn, waxayna si wada jir ah u sheegen inaan Guddiyadaas lagala tashan oo aysan aqoonsanayn.

Qodobka saddexaad ee la isku mari waayay ayaa ahaa soo jeedin kale oo ka timid Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in Madaxda Puntland iyo Jubbaland inay kaso qayb galaan shirka ay Iclaamisay Qaramada Midoobay dhamaadka bishan ee 29/7/2015-ka lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan shirkaas ka qeyb geli doonin, oo aysan miis la fariisan doono Madaxda federaalka, isla markaana aysan ka tanaasuleyn wixii ay xaq u leeyihiin, illaa laga dhameeyo qodobada la isku diidan yahay.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in kulan kale ay isugu yimaadaan madaxdan, waxaana la sheegay in kulamo wada tashiyo ay la leeyihiin xubnaha Wasiirada ee kula sugan magaalada Garowe.

Lama oga sida uu is-afgarad ku dhici doono, waxaase laga yaabaa haddii xal laga gaari waayo qodobada la isku mari la’yahay suura-galnimada in xubnaha Beesha Caalamka soo fara geliyaan, sida horay u dhacday oo kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!