Shirkii Q M & shir gaar ah oo ku saabsan Soomaaliya oo lagu qabtay New Your * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkii Q M & shir gaar ah oo ku saabsan Soomaaliya oo lagu qabtay New Your

Mareeg.com: Shirka 69-aad ee golaha guud ee Qarammada midoobay ayaa arbacadii ka furmay magaalada New-York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ayaa Soomaaliya ugu qeyb galaya shirkaas.

Shirka ayaa lagu wadaa in looga hadlo dagaalyahannada ISIS ee Ciraaq iyo Suuriya, xaaladaha Soomaaliya iyo arrimo kale.

Madaxda badan oo ka socota waddammada caalamka ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka.

Dhanka kale, shir gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York.

Shirkaasi si wadajir ah u gudoominaayay madaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Midowga Afrika, Dlamini-Zuma iyo wakiillo ka kala socday Bankiga Adduunka iyo wadamada daneeya Soomaaliya.

Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa ka hadlay wax qabadka iyo hiigsiga dowladda,  isagoo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ay ku guuleeysteen in Shabaab 75% laga saaro gobolada bartamaha iyo kofurta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka socoto shirir dib u heshiisiin ah, isagoo hoosta ka xariiqay in sare loo qaaday hanaanka maaliyadda dalka.

Wasiirka arrimaha dibada C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyo wax qabadka dowladda ee sanadkii tegay.

”Waxaa la isku wada raacay waxaa weyaan in tallaabooyin badan la soo qaaday, waxaa kaloo la isku raacay in shaqo badani harsantahay in kastoo shaqooyin badan la soo qabtay, waxaa kaloo la isku raacay in beesha caalamku ay gacan siin doonto Soomaaliya, si loo gaaro doorashooyin xalaal ah sanadka 2016-ka” sidaasi waxaa yiri wasiiraka arrimaha dibadda oo ka hadlay waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa inrtaa raaciyay in Banki Moon iyo gudoomiyaha Midowga Afrika ay ahaayeen kuwa si dhab ah uga shaqeeynaya dib u dhiska iyo horumarka dalka iyo taageeridda dowladda Soomaaliya.

Guddomiyaha guddiga midowga Africa ayaa iyadiuna shirka ka sheegtay in midowga Africa uu baadhayo eedaha ciidamada AMISOM loo jeediyay ee ku aadan inay kufsi ka geysteen gudaha Somalia.

Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Ban ki-Moon oo isna kulan ka hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku talaabsaneyso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!