Shirkii Madaxda DF iyo M/Goboleedyada oo Maanta dib u bilaabanaya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkii Madaxda DF iyo M/Goboleedyada oo Maanta dib u bilaabanaya

Shirka Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sabidii lasoo dhaafay uga furmay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa Maanta oo talaado dib uga furmaya halkaas.

Shirkaan Madaxda uga wada xaajoonayaan xal ka gaarista khilaafka hortaagan qabsoomidda doorashooyinka dalka ayaa shalay hakad galay, hayeeshee mar lale ayaa Maanta Madaxda dib uga bilabanayaa wada-hadalkooda.

Maalmihii uu socday Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa wax horumar ah laga gaarin, kadib markii Madaxda qaarkood ay isku fahmi waayeen qodobada ay ka doodayeen.

Wakiilada Beesha Caalamka oo fududeeyay isu keenidda dhinacyadaan ayaa ku bogaadiyay in ay heshiis ka gaaraan is faham-darrada ka dhex jirta,

Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa isku fahmi waayay qaabka ay u dhaceyso Doorashooyinka heshiiska ay ka gaareen 17-kii September 2020.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.