Shirkii arrimaha Soomaaliya ee Denmarka oo furmay & danjire Kay oo talo soo jeediyey

Read Time:56 Second

Mareeg.com: Waxaa goor dhaweyd magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark ka furmay shirka Higsiga Cusub ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo socon doona ilaa beeri oo khamiis ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka inay diiradda sii saaraan ka miradhalinta faa’iidooyinka Hiigsiga Cusub u leeyahay Dadka Soomaaliyeed.

“Hiigsiga Cusub wuxuu ku saabsanyahay dadka Soomaaliyeed, waxaana iska leh dadka Soomaaliyeed wuxuuna garab taaganyahay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri SRSG Nicholas Kay.

“Waa hannaan lagu xaqiijinaayo arrintaas. Kadib muddo kabadan labaatan sano oo lagu jiray colaad iyo xasillooni la’aan, dadka Soomaaliyeed waxay heli karaan faa’iidooyinka ku jiro amaan iyo dowladnimo hagaagsan. Qaramada Midoobay waxay intii karaankeeda ah ku garab taagnaan doontaa dadka Soomaaliyeed socdaalka loogu jiro xaqiijinta arrimahaas.” ayuu yiri Kay.

Shirkaan waxaa Soomaaliya uga qeybgelaya wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilo ka socda maamul goboleedyada.

Sidoo kale, waxaa shirkaas ka qeybgelaya dalalka deeqaha siiya dalka Soomaaliya, waxaana waxyaabaha looga hadlayo ka mid ah doorashada la doonayo in sanadka 2016 ay ka dhacdo Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.