Shirkii Amniga Urdun oo lagu taageeray Nabadgelyada Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkii Amniga Urdun oo lagu taageeray Nabadgelyada Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Bariga Afrika ayaa maanta si qota dheer wadatashi uga yeeshay amniga Geeska Afrika iyo sida looga hortagi karo argagixisonimada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Geeska Afrika, ayaa waxaa shir maalin socday oo ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Aqaba, ku casuumey Boqorka Urdun Cabdalla, si loo helo qorshe iyo talaabo mideysan oo lagu ciribtirayo argagixisada.

Hoggaamiyeyaasha ayaa si gaar ah isu tusaaleeyay, iskuna raacey in Soomaaliya si gaar ah looga taageero dagaalka ay kula jirto kooxaha nabadda diiddan oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika.

Shirkan maanta la soo gabagabeeyay ayaa waxaa la isku raacey in argagixisonimada ay khatar ku tahay caalamka oo dhan, loona baahan yahay in si wadajir ah mas’uliyad la isaga saaro baabi’inteeda.
Shirkan waxaa kale oo ka soo qeybgaley wafdi ka socdey dowladda Faransiiska

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!