Shirkii Amniga Qaranka oo Muqdisho Ka Furmay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkii Amniga Qaranka oo Muqdisho Ka Furmay

MUQDISHO-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow si rasmi ah u furay Shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Maamul Goboleedyada, Wakiilo, Safiiro ka socda Beesha Caalamka, Saraakiil ciidan oo ka tirsan Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Shirkan ayaa ka socda Hool ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa shirka diiradda lagu saarayaa arrimaha amniga Soomaaliya, wixii ka qabsoomay shirkii London ee dhacay bishii May ee sanadkan, dib u habeynta ciidamada, sidii Ciidamada amniga Soomaaliya loogu diyaarin lahaa in ammaanka kala wareegaan AMISOM iyo arrimo kale.

Madaxda iyo Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galaya ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan shirka, kuwaasoo intooda badan lagu lafa gurayo arrimaha ammaanka iyo taageerida Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!