Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Oo Beenisay In La Xirayo Adeega EVCPLUS

Read Time:1 Minute, 15 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaaa beenisay warar shalay ilaa maanta la isla dhex marayey oo sheegayey in la xirayo adeega lacagaha lagu kala wareejiyo ee EVCPLUS ee lacagaha lagu kala wareejiyo.

Arrintaaan ayaa keentay in saaka oo sabti ah kumanaan dadweyne buux dhaafiyaan xarrumaha shirkadda Hormuud ku leedahay Muqdisho iyo magaalooyin kale, kuwaasoo dalbanayey in lacagahooda looga saaro Mobile-ka oo kaash loogu badelo.

War ka soo baxay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa lagu beeniyey in la xirayo adeega EVCPLUS oo ah adeeg dadka taleefanadooda lacago ugu shubtaan, kuna adeegtaan, isla markaana qaab xawaalad ahaan taleefankooda loogu soo diro lacagaha biilasha ee dibada ka yimaada.

“Waxaa Macaamiisheena sharafta leh u xaqiijineynaa in adeegga EVCPLUS aysan jirin haba yaraatee wax cabsi ah oo ku wajahan, waxaan macaamiisheena ku siineynaa kalsooni buuxda inay adeegooda si buuxda u isticmaali karaan hantidooda waqti kasta oo ay u baahdaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Shirkadda ayaa waxaa manta soo wajahay culeys shaqo oo aad u xoog leh, kadib markii dad badan rumeysteen wararka suuqa galay ee sheegayey in la jarayo adeega EVC PLUS.

Cabsida dadweynaha ayaa waxaa sii xoojiyey iyagoo maskaxda ku hayey go’aankii shirkadaasi 6-dii bishaan Febaraayo ku joojisay adeega Intenet-ka ee laga isticmaalo taleefoonada gacanta kadib markii cadaadis xoog leh uga yimid Alshabaab.

Shirkadaan waxaa waa shirkadda ugu ballaaran xagga Isgaarsiinta gobollada Soomaaliya, iyadoo leh macaamiil aad u farabadan. Shirkaddan waxaa horay Alshabaab uga xireen adeegii la oran jira ZAAD SERVICE.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %