Shirkadda Hormuud oo laga dilay dad u shaqeey & ISIS oo lagu tuhmaayo dilka
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhow labo nin ku toogtay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada nin oo wada socday mar kaliya lagu boobsaday rasaas ay ku fureen rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.
Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay iney ka tirsanaayeen shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud sida ay Mareeg u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan shirkadda.
Ragga dilka geystay ayaa baxsaday waxaana goobtaas xiray ciidamada amaanka dowlada federaalka oo daqiiqado ka dib halkaas gaaray.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho labo nin oo ka tirsanaa howlwadeenada shirkada Hormuud.
Weli lama oga sababaha loo beegsanayo shaqaalaha shirkadda hormuud iyo cida ka dambeysa.
Comments are closed.