Shirkadda Google Oo Adeegeeda Wax Tarjuma Ku Dartay Afka Soomaaliga

Read Time:40 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Shirkadda Google ayaa markii ugu horreysay Afka Soomaaliga ku dartay luqadaha adduunka ee loo adeegsado tarjumaadda.

Shabakadda Google oo bixisa adeegyo badan oo ay ka mid tahay wax barista iyo tarjamada ayaa ku dartay luqadda Soomaaliga qeybteeda (Google translate) ee isku turjunta luqada caalamka.

Adeega Google translate ayaa ka saacidaya qofkii luqad garnaya inuu u fasiro luqada kasta ee u kedysan Google, inakasroo tarjamadaasi aysan aheyn mid buuxda, hase ahaatee ugu yaraan ku fahamsiineysa ujeedada hadalka aad meesha aad gelisay.

Adeega Google translate ayaa marka aad weydiiso hal eray ku siiya tarjamo sax ah, isagoo awood u leh inuu kaa siiyo dhowr micno oo eryagaasu lahaan karo.

Adeeggan cusub waxaa ka faa’iideysan kara qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ardayda Jaamacadaha, dadka wax baara iyo kuwa wararka faafiya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %