Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways oo kusoo biireysa suuqa duulimaadka Somalia

Mareeg.com: Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku heshiiyey in shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ku tagto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka gaadiidka Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya, Cali Axmed Jaamaca “Jangeli” ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis dhanka duulimaadka ah oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo dowlada Qatar, kaasoo la xiriiro dhanka duulimaadka ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa sheegay in heshiiska dhinaca duulista hawada ee ay kala saxiixdeen Dowladaha Qatar iyo Soomaaliya uu suura gelin doono in diyaarada Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ku timaado Muqdisho iyo Doha.

Wasiirka Duulista hawada ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid muhiimad ugu fadhiya Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay hishiiska ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar uu goob joog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in dayuuradda Qatar Airways ay bilawdo duulimaadyo ay ku imaan doonto dalka Soomaaliya iyo in Qatar ay gacan muuqata ka geysato waxbarashada sare si ay uga faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed.

Shirkadda Turkish Airways oo horay duulimaad caalami ah uga bilowday Soomaaliya ayaa heshay macaamiil badan, taasoo keentay in shirkado kale ku daysadaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245