Shirkadda diyaaradaha Africa oo xadgudub ku tilmaantay magac ay ku midobeen Daalo & Juba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkadda diyaaradaha Africa oo xadgudub ku tilmaantay magac ay ku midobeen Daalo & Juba

Mareeg.com: Shirkadda African Express Airways ayaa ka hortimid magac ay dhawaan ku midoobeen shirkadaha diyaaradaha Daallo Airlines iyo Juba Airways, kaasoo ahaa (African Airways Alliance).

Shir ay isugu yimaadaan madaxda Shirkadda African Express Airways 21-kii bishan ayaa waxaa shirkaas laga soo saaray war saxaafadeed ka dhan ah shirkadaha diyaaradaha ee Jubba iyo Daallo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay qaateen magaca African Airways.

War saxaafadeedka shirkada African Express Airways ayaa lagu sheegay inuu yahay arrin ku xadgudub ah magaca ay la baxeen labada shirkadood ee kala ah Jubba iyo Daallo, isla markaana uu yahay mid ka hor imaanaya ganacsiga xorta ah ee Caalamka, in magacii shirkadooda (African Airways) la qaato waxaana masúul u hadlay shirkadaasi uu sheegay in Shirkadaha kale ay la gudboon tahay in ay xaqdhowraan xuquuqda lahaanshiyaha magaca Shirkadda.

“African Express Airways waxey ugu baaqeysaa macaamiisheeda in duulimaadkeedii Imaaraadka Carabta ay billaabeyso 1-da bisha April”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ay soo saareen African Express Airways.

Sidoo kale Shirkadda ayaa sheegtay in muddo ku dhow 20 sannadood ku jirtay howlaha duulimaadyada, ayna isaga kala goosheysay Geeska Afrika iyo dalalka carabta, sannadihii ugu dambeeyeyna ay yeelatay macaamiishii ugu badneyd markii ay kordhiyeen duulimaadyadeeda dalalka Geeska Afrika iyo Carabta.

War saxaafadeedka Shirkada African Express Airways waxaa kaloo lagu sheegay in loogu baaqayo shirkadaha qaatay magacooda in sida ugu dhaqsiyaha badan inay raali gelin uga bixiyaan, kana laabtaan talaabadaas ay qaadeen.

“Magaca Express Airways iyo African Airways limit intuba waa magacyada ay ku soo howlgashay Shirkadeena, waxaan soo dhoweyneynaa suuqa tartanka ganacsiga, waxaanse ka soo horjeednaa in magacii ay Shirkaddu muddo 20 sanno ah ku soo caana-maashay in si aan sharci aheyn loo istcimaalo, Garyaqaanada Shirkadaha waxey geed gaaban iyo geed dheer u kori doonaan sidii qolo kasta oo isku dayda in ay si sharci darro ah ku isticmaasho magaca shirkadaha Afrikan Express airways ay sharciga ula tiigsan lahaayeen”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Shirkadaha duulimaadyada ee ka howl gala Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka dhaxeeya tartan aad u xoogan, iyadoo ay ku soo biireen shirkado diyaaradood caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda Turkish Airlines.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!