Shirkadda Apple oo soo saartay saacad cajiib ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkadda Apple oo soo saartay saacad cajiib ah

Shirkadda caanka ah ee Apple ayaa soo saartay saacad cajiib ah oo aad uga duwan saacadihii horay loo isticmaali jiray, BBC ayaa sidaas qortay.

Shirkadda Apple ayaa sheegtay in qiimaha saacad caaqil ah oo ay soo saartay uu u dhexayn doono $400 oo doolar iyo $17,000 oo doollar, iyadoo qiimahaasi uu ku xiran yahay nooca laga sameeyay saacaddaasi,

Saacaddani caaqilka ah ee Apple ma aha oo kaliya in ay qofka u sheegayso wakhtiga basle waxaa kale oo ay ka caawinaysaa in ay qofku ay u sahasho hawlo kale oo si gaar ah uu u qaban lahaa.

Hawlahaasi waxaa ka mid ah in aad ka dirto ama akhrisato farriin-qoraaleed, intarneedka oo aad daalacato ama dhaqdhaqaaqa uu qofka saacadda sita samaynayo inta uu gaarsiisan yahay.

Xitaa qofka saacadda sita waxaa suurtogal u ah in uu wax ku iibsado isaga oo saacadda isticmaalaya ama uu muusig dhegaysto, ama uu ogaado garaaca wadnihisa, ama xitaa uu u adeegsado sidii furaha gaariga.

Saddex nooc ayay suuqa ku soo gali doontaa, iyada oo qiimahana uu u dhaxayn doono $400 – $20,000.

Isha: BBC

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!