Shirkadada Diyaaradaha Soomaaliya Iyo Shirkadda Favori Oo Kala Saxiixday Heshiis Wada Shaqeyn

Read Time:1 Minute, 6 Second

Muqdisho – (Mareeg.com): Shirkadaha diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya iyo shirkadda Turkiga ah ee dhawaan lagu wareejiyey maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ee lagu magacaabo FAVORI LCC ayaa maanta kala saxiixday heshiis wada shqeyn oo dhexmara labada dhinac.

Heshiiska labada dhinac oo ay garwdeen ka aheyd wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya ayaa la saxiixay, iyadoo uu goob joog ka ahaa wasiirka warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Heshiiskaan ayaa loogu gol lahaaa sidii xiriir wada shaqeyn u dhex mari lahaa shirkadaha diyaaradaha Soomaalida iyo shirkadda lagu wareejiyay Garoonka ee FAVORI LCC.

Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadaha diyaaradaha iyo shirkadda FAVORI oo si wada jir ah shir jaraa’id u wada qabtay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu farax sanyihiin in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ka dhexeysa oo ku aadan horumarinta garoonka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in heshiiska dhex maray labada dhinac uu meesha ka saarayo mad madow horay u jiray.

Wasiir Ciilmooge ayaa tilmaamay in meel la isla dhigay qiimaha la xiriira duullimaadyada ee la qaadayo, wuxuuna sheegay in la qaban doono xaflad weyn oo heshiiskan lagu soo bandhigayo.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo dhawaan lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI kadib markii la eryaye shirkadii SKA ee muddada maaamuleysay garoonkaas.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %