Shirkada DP World oo laga Mamnuucay Soomaaliya. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkada DP World oo laga Mamnuucay Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta dalka ka Mamnuucay Shirkada Dp World, kadib markii maanta ay ka doodeen sidii laga yeelilahaa Shirkadaasi, waxayna isku raaceen in dalka laga Mamnuuco shirkada DP World, waxa ayna soo jeediyeen qodobadaan.

Heshiis kasta oo lala galo dowlad ama hay’ad kaloo shisheeye, oo ka hor imaanaya dastuurka federaalka ah waa waxbo kama jiraan aanan sharciyad laheyn
Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World” DP world” lala galay waa waxba kama jiraan maadaama uu ka hor Imaanayo dastuurka dalka, xeerka maalgeshiga shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.
Shirkadda Dubai Port World “DP World” oo si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madaxbannaanidu midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyaa, waxaa saas daraadeed shirkadan laga mamnuucay dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.