Mareeg.com: Shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in hakad gelisay shidaal baaris ay ka sameyn rabtay deegaano ka mid ah maamulka Somaliland ee sheegta inuu Soomaaliya ka go’ay.
Qoraal shalay ka soo baxay Shirkadda la yiraahdo “Sterling Energy PLC” ayaa lagu sheegay in shirkadaasi arrimo dhanka ammaanka la xiriira ay u hakisay hawlgal shidaal sahamin ah oo ay ka bilaabi lahayd gudaha maamulka Somaliland.
“Dib-u-dhac ayaa ku yimid hawlgalo aannu ka bilaabi lahayn Somaliland, kuwaasoo u joogsaday ilaa inta Somaliland samaynayso ciidammo si fiican u tababaran, una qalabaysan oo qaabilsan ilaalinta iyo ammaanka goobaha laga baarayo shidaalka, iyadoo la doonayo in ciidankaasi ay sugaan ilaa xad heerka ammaan ee looga baahan yahay dhammaanba degaannada laga bilaabayo hawlaha sahaminta shidaalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirkadda Sterling.
Shirkadda Sterling Energy PLS, ayaa qorshuhu ahaa inay hawlo shidaal baaris ah ka sameyso degaannada Oodweyne, iyadoo shirkadaasi heshiis la gashay maamulka Somaliland sannado ka hor.
Shidaal baarista Somaliland ayaa waxaa ka dhashay muran badan oo saleysan qaab beeleed, waxaana horay dowladda Soomaaliya shirkadaha ajnabiga ah ee ku lugta leh shidaal baarista ugu baaqday iney joojiyaan.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shidaal baarista shirkadaha ajnabiga rabaan iney ka sameeyaan deegaanada Somaliland ay abuurayaan colaado beeleed oo hore leh.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.