Shirkad laga leeyahay Poland oo wax ka sugeysa amaanka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkad laga leeyahay Poland oo wax ka sugeysa amaanka Muqdisho

Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin ka socotay Shirkada HERTS oo ka shaqeysa dhinaca amniga lagana leeyahay dalka Poland.

Shirka maanta sidoo kale waxaa goob joog ahaa gudoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasada maamulka gobolka Banaadir, waxaana intiisa badan diirada lagu saaray sidii maamulka gobolka Banaadir Shirkadaan uga gacan siin lahayd sugida amaanka Muqdisho.

Af-hayeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko”, oo shirka dhibacyadaan dhexmaray ka dib la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Cali Seeko in gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo ay wehliyaan xubno ka mid ah maamulkiisa Muqdisho kulan looga hadlay xaqiijinta amniga Muqdisho la qaatay mas’uuliyiin ka socotay shirkada HERTS oo laga leeyahay dalka Poland.

“Maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadda HERTS ayaa ka ka wada hadlay Amaanka Muqdisho, waxeyna inoo sheegeen iney keenayaan Kaamirooyiin CCTV ah oo ku xiran satalaydka” ayuu yiri Cali Seeko oo warbaahinta la hadlay.

Dhinaca kale, af-hayeenka maamulka gobolka Banaadir oo aqrinayay wareegto ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa digniin u jeediyay dadka xoolaha ku gowraca maalmaha ciida Carafa wadooyinka iyo meelaha kale aan munaasabka ahayn.

Wuxuu sheegay Cali Seeko in kaliya la ogol yahay in Xoolaha lagu qali karo goobo gaar ah oo looga talagalay in xoolahaasi lagu gowracayo.

“Waxaa jirta wareegto 29-kii bishii hore kazoo baxday gudoomiyaha gobolka Banaadir, taasoo amreysay inaan xilliga ciidul adxaha xoolaha lagu qali Karin dariiqayada, ciidamadu wey howlgeli doonaa laga bilaabo caawa oo ah 2-da bisha, qokii arrintaas lagu helo ciqaab ayuu muteysan doontaa” ayuu yiri afhayeen Cali Seeko.

Ugu danbeyntii, af-hayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii ka madax adeegta amarka ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More