Shirka wadamada IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka wadamada IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho (Sawirro)

Mareeg.com: Shirka Wasiirada Arrimaha Debadda IGAD ayaa saaka ka furmaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo 6 wasiir arrimo debadeed oo ka socda dalalkaas ay xalay ku hoydeen Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Wafdigii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ee soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wuxuu madaxwenuhu u sheegay wasiirada Arrimaha debadda IGAD iney yimaadeen caasimadda Soomaaliya oo cimiladeedu wanaagsantahay.

Madaxweynaha oo uu wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah ula kulmay xubnaha Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, iyagoo ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Shirkani oo ka furmaya gudaha Caasimadda Muqdisho , socon doonana muddo hal cisho ah, ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, Ethiopia Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Djibouti Mahamoud Ali Youssouf, South Sudan Dr. Barnaba Marial Benjamin, Sudan Ali Karti, Kenya Amb. Amina Mohamed, Uganda Henry Okello Oryem iyo Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Eng. Mahboub Maalim.

Kulankani oo looga hadli doono taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku talaabsaneysa horumar siyaasadeed iyo mid ammaan, hiigsaneysana qorshayaal dalka dib loogu dhisayo, laguna horumarinayo, ayaa la rajeynayaa in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada ku midoobay IGAD ay ka soo saari doonaan gaba-gabada shirkooda war-murtiyeed bidhaaminaya waxqabadka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada ku midoobey Urur goboleedka IGAD ee Muqdisho manta ka dhacaya ayaa ah wareegiisa 53,aad, iyadoo laga tallaabay marxaladii KMG aheyd ee dalku ku jiray muddo 12 sano .

Dhanka kale, Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana gaadiidka iyo dadkaba loo diiday iney maraan iyadoo maanta lagu wado in Muqdisho uu ka furmo shirka Wasiirada Arimaha dibada IGAD oo shalay soo wada gaaray Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay iska kaashanayaan xaqiijinta ammaanka caasimada.

Mohamed Yuusuf Cismaan wuxuu sheegay in ciidamada ay u taagan yihiin xaqiijinta ammaanka Muqdisho oo wuxuu kaloo sheegay in maanta oo kale amniga aan sidaan loo adkeyn, balse muddooyinkii ugu dambeeyay ammaanka si weyn loo adkeenaayay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa Bulshada reer Muqdisho wuxuu ka raali geliyay, wadooyinka qaar ee xiran iyo hadii ay la kulmaan caqabado ku aadan dadka inay lugeeyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka Urur Goboleedka IGAD ku martigelineysa magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka maanta oo Sabti ah, 10 ka bisha January 2015 markii ugu horeysay si rasmi ah muddo 28 sano kadib.

Dowladda Soomaaliya ayaa kaalin weyn waxa ay ka qaadatay aas’aasidda Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha ku yaala Bariga Afrika , waxaana si rasmi ah loo aas’aasay sanadkii 1986.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!