Shirkii Madaxda DFS iyo M/Goboleedyada oo ku dhow inuu baaqdo + sababta

Read Time:46 Second

Markii saddexaad ayaa laga cabsi qabaa inuu baaqdo kulan uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada.

Maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa qoraallo ay soo saareen ku qaadacay kulankaas, waxayna ku baaqeen in kulan kasta oo ku saabsan arrimaha doorashada lagu qabto meel amni ah, ayada oo Puntland ay si gaar ah u dalbatay garoonka Aadan Cadde.

Maanta oo Khamiis ah ayaa loo qorsheeyay in shirka uu qabsoomo, hayeeshee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo gaarin Magaalada Muqdisho, halka Madaxweynayaasha Galmudug & Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin dalka Turkiga.

Dowladda soomaaliya ayaan weli ka jawaabin dalabka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ah in munaasabada lagu saxiixayo heshiiskii Guddiyadii ku shiray Baydhabo ay gaareen.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada waxaa ay ku cadaadinayaan sidii ay u kulmi lahaayeen, isla markaana heshiis rasmi ah looga gaari lahaa doorashooyinka Soomaaliya oo weli uu muran ka taagan yahay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.