Shirka Madaxda oo Maanta dib uga furmaya Teendhada Afisyooni * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka Madaxda oo Maanta dib uga furmaya Teendhada Afisyooni

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu dib u bilowdo Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo maalmihii u dambeeyay ka socday xarunta Afisyooni ee Muqdisho.

Shirkan oo ay qaban-qaabisa Beesha Caalamku, waxa looga arrinsanayaa Ajendaha iyo ka qayb-galka shirka guud ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo dhowaan dhexmari doona dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulamo maalmihii u dambeeyay dhexmaray dhinacyada ayaan wax hormar ah laga samayn kadib markii lagu heshiin waayay Ajandaha iyo cidda ka qayb-gelaysa shirka guud ee arrimaha doorashada dalka.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda dalka cadaadis ku saaraysa in ay si deg deg ah uga heshiiyaan muranka siyaasadeed ee u dhexeeya, si loo qabto doorasho nabdoon oo loo dhanyahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.