Shirka Madaxda iyo Maamul Goboleedyada oo Maanta furmaya

Read Time:54 Second

Maanta oo sabti ah (3-April-2021) ayaa lagu ballansan yahay in uu Muqdisho ka furmo kullan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaa oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa daba socda kulamo dhowr ahaa oo maalmo ka hor ka qabsoomay Afisiyooni kaas oo looga arinsanayay qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay, oo ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa lagu wadaa inay ka qey galaanka Shirka Maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Todobaadyadii ugu dambeeyay Beesha Caalamka ayaa waday dadaalo kala duwan oo isugu keeneyso Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, kadib markii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay shuruudo ku xireen qeyb galka shirarka looga hadlayo doorashada.

Habeenkii xalay aheyd ayaa waxaa la sheegay in la isku  afgartay in ammaanka goobta Maanta uu shirka ka dhaacyo ay ku sugaan Ciidamada AMISOM, isla markaana Madaxda ay banaanka Afisyooni uga soo tegaan Ilaaladooda gaarka ah marka laga reebo kuwa dharcadka ee Madaxda la socda.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.