Shirka Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada oo Maanta furmaya

Read Time:1 Minute, 0 Second

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu ka furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo ah mid uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dhacaya Soomaaliya, xili weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan doorashada oo ugu weyn yihiin arrinta Gedo, Guddiyada ee la magacaabay iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Madaxda dowladda Feederaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa ka qeyb geli doona shirka, waxaana la filayaan in markii uu soo dhammaado War-murtiyeed wadajir ah laga soo saaro, iyadoona horey halkaas loogu qabtay Shirar kala duwan.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka ku hor gudban doorashada, waxaana Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan uu kulamo la qaatay madaxda dowlad Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.