Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

Muqdisho ( Mareeg)-Shirka Madasha Qaran ee  looga Arinsanayo qaabka ay u dhaceyso doorshada la Filayo in 2016ka ay Ka dhacdo Gudaha Dalka ayaa Waxaa la Filayaa in Saacadaha soo socda uu ka Furmo Magaalada Muqdisho.

Shirkani waxaa ka qeyb galaya Madaxda Maamulada Gobolada Dalka ,  Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Wadamada Beesha Caalamka ee Daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo sidoo Kale qeybaha Kala duwan ee Bulshada.

Shirka Hiigsiga 2016ka ayaa waxaa maanta La Filayaa in Diirada Lagu Saarayo qaabka ay u dhaceyso Doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo waxaana sidoo kale shirka Madaxda Maamulada Gobollada Dalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonaan Ra’yi uruurin ay Maamulada Gobolada ay ka sameeyeen Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gudaha Dalka

Shirkani ayaa  daba socda Shirar horay loogu qabtay Magaalada Muqdisho waxaa Lagu Go’aamin doonaa qaabka ay u dhaceyso doorshada 2016 iyadoo Madaxda Kala duwan ee shirkani ka qeyb galaya ay hor taallo 4 Nooc oo Doorshada oo horay loo soo bandhigay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud oo Xalay Hadalka Ka jeediyey Munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Shirkani ummada Soomaaliyeed ay u Tashanayaan Mustaqbalkooda Waxaana intaa uu ku daray in La Go’aamin doono qaabka ay u dhaceyso Doorshada 2016ka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa uu sidoo Kale sheegay in Waddamada Beesha Caalamka wey u Furan tahay in Aragtidooda islamarkaana Muhiim ay tahay in door Weyn ay ka Ciyaaraan Arrimaha Doorashada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.