Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran oo ka furmay magaalada Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran oo ka furmay magaalada Kismaayo

Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose uga furmay shirka Madasha wadatashiga Higsiga.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka.

Shirar kala duwan oo gaar gaar ah ayey Masuuliyiintu leeyihiin ee ay uga hadlayaan hanaanka ugu haboon ee loo wajahayo nuuca doorasho ee 2016.
Axmed Madoobe ayaa xusay in ay muhiim tahay in calamada badan ee maamul goboleedyada hoos loo dhigo isla markaana calanka ay Soomaliya ku mideysan tahay sare loo qaado. Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubba Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu taariiq ku reebo magaalada Kismaayo maanta.

Hase yeeshee qudbad uu ka jeediyay shirka ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid Cali Sharma’arke oo ka qudbad ka jeediyay shirka waxa ay sababtay in xildhibaano badan ay buuq ka dhex sameeyaan shirka kadib markii uu sheegay in shirka ay Soomaali oo dhan ka qeybgalayso oo ay u dhan tahay.

Xildhibaanada buuqa sameeyay ayaa waxa ay ku doodeen in gobolada Waqooyi ee dalka gaar ahaan jamhuuriyada la magac baxday Somaliland aysan ka qeybgalayn shirka sidaa darteedna aysan Soomaali oo idil joogin shirka.

Qudbada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda socota wixii ku soo kordha kala soco

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!