Shirka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran oo la soo gaba gabeynayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaran oo la soo gaba gabeynayo

Baydhabo ( Mareeg)-Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa ku soo warranaya in maanta  la filayo in uu soo gaba gaboobo shirka madasha hoggaamiyayaasha Qaran.

Warar ayaa sheegaya in xubnaha aqalka sare oo markii hore ahaa 56 xubnood lagu daray 4 xubnood taas oo ka dhan in la gaarsiiyay illaa 60 xubnood.

Waxaana jira weli kala ragti duwanaasho hoggaamiyayaasha Soomaalida ee ku shirsan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay  ee ku aadan qodobada qaar.

Waxyaabaha la isla gartay waxaa ka mid ah in Guddiga Doorashada laga saaray Wasiirada dowladda Federaalka islamarkaana Isku shaandheyn lagu sameeyo.

Sidoo kale waxaa ay isla meel dhigeen Hogaamiyayaashu sida ilo ku dhow dhow Shirka ayaa mareeg u xaqiijiyeen in Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada kuwa lagu muransanyahay dib u eegis lagu sameeyo , kuwa geeriyoodayna booskooda la buuxiyo.

Marka loo eego isfahamwaaga qodobada qaar ayaa waxaa suura gal ay ka dhigi kartaa in dib u dhac ay ku keento in la soo gaba gabeeyo shirka walow maanta loo asteeyay.

Shirkaan ayaa la sheegay in uu yahay kii ugu dambeeyay ee looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!