Shirka Maamul U sameynta oo Goordhaw ka furmay Jowhar iyo Wasiiro ka qeyb galaya-Sawiro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka Maamul U sameynta oo Goordhaw ka furmay Jowhar iyo Wasiiro ka qeyb galaya-Sawiro

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi maanta gaareen Wasiiro katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya , waxaana wafdigan si diiran Jowhar ugu soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe iyo Waxgarad.

Wafdiga Wasiirada waxaa Hogaaminaya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa , waxaana wafdiga ku jira Wasiirka Amniga Qaranka iyo Wasiiro kale oo katirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.fori_5

Wasiiradan ayaa xiligan ku sugan xarunta lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo Goordhaw shirku ka furmay, waxaana hada hoolka xaruntaasi kasocda Khudbado kala duwan oo la jeedinayo.fori_6

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Odawaa , ayaa ka dhawaajiyay in shirka wajigiisa labaad uu maanta si rasmi ah u furmay ayna rajeenayaan in uu dhawaan kasoo baxo natiijo lagu farxi karo.

Xarunta Shirka ka furmay waxaa hada kasocota munaasabada furitaanka Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe , waxaana munaasabada Khudbado ka jeedinaya Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo waxagardka shirkaasi ka qeyb galaya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!