Categories
Af Soomaali Featured

shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo furmay

Muqdisho-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkaan maanta ka furmay Muqdisho oo la sheegay in uu soconayo muddo 12 cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ujeedada shirkaan ayaa la sheegay in loo qabtay sidii ay u wada saxiixdaan dhinacyada uu quseeyo Maamul u sameynta Labada Gobol hanaanka shirkaas iyadoo la filayo in sidoo kale la iskula meel dhigo meesha lagu qabanyo shirkaas.

Madasha shirkaas uu maanta ka furmay ee Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galayay Guddoomiyayaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.