Shirka maamul sameynta Mudug & Galgaduud oo waqti cusub loo qabtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka maamul sameynta Mudug & Galgaduud oo waqti cusub loo qabtay

Mareeg.com: Waqtiga uu degmada cadaado ee gobolka Galgaduud ka furmayo shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ayaa la shaaciyey.

Afhayeenka Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Dhexe, Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in 25-ka bishan Maarso uu si rasmi ah shirkaasi u furmi doono.

Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in gogol-xaarka shirku uu soo gaba gaboobay, ayna qorsheeyeen inuu toos u furmo dhamaadka Maarso.

“Shirka arrimihiisa oo dhan waa soo dhamaadeen, waxaa rajeyneynaa in xilliga loo asteeyay inuu shirka ku furmi doono oo ah 25-ka bishan” ayuu yiri Cumar Cali Rooble.

Shirkaan ayaa waxaa horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Xasan Maxamuud u shaaciyey in shirkaas la furayo 1-da Maasro, hase ahaatee waxaa dib u dhigay ergada shirka ka socda Dhuusamareeb.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!