Shirkad laga leeyahay dalka Yemen oo duulimaad ka bilaabeysa Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirkad laga leeyahay dalka Yemen oo duulimaad ka bilaabeysa Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Yemen ayaa la filayaa iney dhawaan duulimaadyo ka bilowdo Soomaaliya, kadib markii ay heshiis la gashay shirkad Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

Heshiiska labada dhinac waxaa ka warqabay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in muddo 20 sano ah kadib ay si toos ah u bilowdaan duulinmaadyada shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya iyo Yemen.

Heshiiskan oo dhinaca duulimaadka ah ayaa waxaa uu ka dhaxeeyaa shirkada duulimaadka iyo ganacsiga guud ee Gaabow oo fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho iyo shirkada duulimadyada ee Al-saciida oo xarunteedu tahay magaalada Sanca ee dalka Yeman.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in todobaadyo kooban kadib shirkada Al-saciida ay duulimaadyo toos ah ku timaado Muqdisho iyagoo isku xiraya magaalooyinka Sanca, Muqdisho, Hargeysa iyo Cadan.

Heshiiskaasi ayaa waxaa uu ka dhacay magaaladda Sanca waxaana goob joog ka ahaa maamuliyaal ka kala socday labada shirkadood, mas’uuliyiin ka socota wasaaradda arimaha dibada ee dalka Yeman, la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca sharciga Prof. Ciise Axmed Warsame, Danjiraha Yeman u fadhiya Muqdisho Fu’aad Zorqa, Qunsulka Soomaalida ee Sanca Cismaan Axmed Maxamed iyo madax kale.

Prof. Ciise Axmed Warsame oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka sharciga ayaa warbaahinta u sheegay in duulimaadkan cusub ee shirkadda laga leeyahay dalka Yemen ku imaaaneyso Soomaaliya uu soo kordhinayo faa’iido weyn.

Horay waxaa dalka Soomaaliya duulimaadyo uga bilaabay labo shirkadood oo ajnabi ah, kuwaasoo kala ah: Turkish Airways iyo Uganda Air.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!