Shirka la furmay Cadaado oo la soo dhaweeyey

Mareeg.com: Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay furitaanka shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee ka socda magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Qaramada Midoobey, IGAD, Midowga Yurub, AMISOM, dowladaha Mareykanka, Britain, Sweden, Talyaaniga, Itoobiya, Uganda iyo Turkiga ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey furitaanka shirka.

War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha beesha caalamka, ayaa lagu sheegay in qabsoomidda shirka Cadaado ay ka dhigan tahay tallaabo kale oo horay loogu qaadday nabadda iyo dhismaha maamul goboleedyada, iyadoo lagu boorriyey dadka gobolladaas in ay ka miro-dhaliyaan dhismaha maamul ku dhisan mabaa’dii dib-u-heshiisiineed.

Beesha caalamka ayaa ammaantay doorka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaatay fududeynta iyo hirgelinta shirka.

Waxay  ugu baaqeen dhammaan dhinacyada ka qeybqaadanayo shirka in ay meel iska dhigaan kala aragti-duwanaanshaha, kana wada-shaqeeyaan midnimo iyo dhismaha maamul loo dhan yahay.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in ay gacan siinayaan qeybaha ku lugta leh shirka, si looga dhabbeeyo in natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxdo.

Shirka Cadaado ka furmay Khamiistii, ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso maamul ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245