Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay

Read Time:30 Second

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa galay maanta maalintii labaad iyadoo shirka ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir,

Madaxweyneyaasha GalMudug, Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ku sugan xarunta uu shirku ka socdo halka uu Madaxweynaha Hirshabelle uu qadka Fogaan Aragga ugaga qeybgalayo.

Shirka maanta ayaa lagu wadaa in laga dhagaysto qorshayaashooda guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Gabagabada shirka ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro qorshe cusub oo lagu dardargelinayo doorashada la qorsheeyay in ay dalka ka dhacdo labada bil ee soo socota.

.

Muqdisho-Somalia    

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %