Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Ajandayaasha miiska saran * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Ajandayaasha miiska saran

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, halka qadka foggaan aragga ee Zoomka uu uga qeyb galayo Madaxweynaha Hirshabelle oo ku sugan dalka Turkiga.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dardar gelinta doorashada, wixii ka qabsoomay heshiiski bishii hore ee 27 May, waxaana mar kale Golaha Wadatashiga Qaran soo saari doonaan jadwal doorasho, maadaama mudadii 60 maalmood ee horay loo qabtay ay muddo bil qaadatay kala shaandheyntii iyo magacaabida Guddiga doorashada labada heer iyo Xalinta Khilaafaadka.

Shirkan waxaa isha ku haya Beesha Caalamka iyadoo sidoo kale dalbatay in si daahfuran looga doodo arrimaha caqabadaha ku ah hergelinta heshiiska doorashada ee 2021 lagu gaaray Afisiyooni.

Waxaa dhanka kale jira xogo aan helnay oo sheegaya in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Farmaajo uu dalbaday inuu ka qeyb galo shirka waxaase u diiday Ra’isul Wasaare Rooble iyadoo loo sheegay in ka qeyb galkiisa uu abuuri karo xasarado siyaasadeed.

Qodobo xasaasi ah ayaa maanta laga doodi doonaa iyadoona aan idiin soo gudbin doono sida ugu dhaqsiyaha badan waxa laga hadlo.

Muqdisho-Somalia

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.