
Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland waxaa goordhow ka furmay Shirka golaha Iskaashiga ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Shirkan ka furmay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galayo madaxda ugu sareeysa dowlad goboleedyada dalka sida Galmudug,Hirshabeelle,Jubbaland Koonfur Galbeed Puntland iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya .
Waxaa la filayaa in Shirka Khudbado ay ka jeediyaan Madaxda maamul Goboleedyada dalka,kuwaasi oo ay hali doonaan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka khilaafka maamul goboleedyada dalka iyo Madaxda Dowladda.
Qodobada Shirka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaadka u dhaxeeya dowlad goboleedka jubbaland iyo dowlada dhexe Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa looga hadlayaa Shirka kheyraadka dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.