Shirka doorashooyinka ee madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada oo la filayo inuu furmo maanta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka doorashooyinka ee madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada oo la filayo inuu furmo maanta

Shirka u dhexeeya Madaxda dolwadda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisyooni oo shirarkaan oo kale lagu qabto.

 

Shirkaan oo guddoomin doono Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadli doonaa dardar-gelinta fulinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa qodobada looga arrisan doona ku jira Arrimaha amniga goobaha ay ka dhacaan doorashooyinka iyo diyaar garoowga socda, waxaana Shirk aka qeyb geli doona Guddiyada doorashada ee la magacaabay.

Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdiciis Lafta-gareen, Puntland Saciid Deni iyo Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya Shirka.

Dhinaca kale Maamulka Hirshabeelle ayaa gebi ahaan qaadacay ka qeyb galka Shirka looga hadlayo doorashada, waxaana Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka lagu sheegay in aan latashi lagala sameeyn Shirkaas, ayna quseyn wixii kasoo baxa.

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa safar shaqo ugu maqan dalka Turkiga, waxaana xusid mudan in Hirshabeelle ay sheegeen inay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii 17-kii September iyo 27-kii May 2021, hayeeshee aysan ka qeyb aheyn Shirka Maanta furmaya.

 

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.