Shirka Deyn Cafinta Soomaaliya oo galay maalinkii 2aad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirka Deyn Cafinta Soomaaliya oo galay maalinkii 2aad

Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Magaalada Adis Ababa kaga qeyb-galay Maalintii labaad Shir Looga hadlayo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa maalinkii 2aad inoo socda shirka dib u eegista Barnaamijka sadexaad ee Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3) ee aan la leenahay Hey’adda lacagta aduunka ee IMF, IMF way ku qanacday dhamaan sidii aan uga soo baxnay shuruudihii SMP3, waxaana rajeyneynaa in uu guul noogu soo dhamaado” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya hada ay taagantahay meel Aduunku wada ogyahay taas oo ah in dhabihii guusha ay ku socoto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!