Mareeg Media
Somalia

Shirarka siyaasadeed oo laga mamnuucay Dhuusamareeb

Shirarka Siyaasadeed oo laga mamnuucay Dhuusamareeb
War kasoo baxay Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ee ka howlgalla Dhuusamareeb ayaa waxaa shirarka siyaasadeed in lagu qabto laga mamnuucay Magaaladaas.

Laamaha amniga ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba aan la qaban karin Shir aysan ogeyn dowladda Federaalka,isla markaana cidii qabata tallaabo laga qaadi doono.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Milkiilayaasha Hoteelada Dhuusamareeb loo geeyay warqado looga digayo in iyada oo laamaha Amniga kusoo wargelin aan shir lagu qaban Hoteeladooda.

Amaradaan kasoo baxay hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ee ka howlgalla Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli hoggaanka Ahlusunna ay Dhuusamareeb ka wadaan shirar looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Amarada ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba shir aysan dowladda Federaalka ogeyn lagu qaban Magaalada Dhuusamareb, iyada oo warqado digniin ah loo geeyey Milkiilayaasha Hoteelada Magaalada.

Sidoo kale laamaha Amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in tallaabo ay ka qaadi doonaan cidii qabata shir aysan ka warheyn dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay muddo kooban waxaa ay la wareegeen goob Mowlac ah oo ay ku sugnaayeen Culumo taageersan Ahlu Sunna, waxana la sheegay in joojiyeen howlihii halkaas ka socday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!