Shirar siyaasadeed oo Caawa ka socda Magaalada Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shirar siyaasadeed oo Caawa ka socda Magaalada Muqdisho

Waxaa Caawa shirar kala duwan oo looga hadlayo marxalada siyasaadeed ee Dalka ayaa waxey ka soconayaan Magaalada Muqdisho.

Shirarkan oo ka socda Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, ayaa sida la sheegay waxey u dhaxeeyaan Xildhibaanada labada Aqal ee Dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya u sheegay Mareeg Online in kulamadan socdo ay yihiin kuwa lagu doonayo in lagu afjaro xiisada siyaasadeed ee muddooyinkii dambe laga dareemayay Caasimada Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in Xildhibaanada labada Aqal ay yihiin kuwa si aad ah uga doodaya khilaafka hareeyay Baarlamaanka iyo howlaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareeydan ayaa sidoo kale xusay in Shiararkan laga soo saari doono qodobo xil u noqon doono khilaafka siyaasadeed ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Xiisad siyaasadeed oo muddooyinkii dambe u dhaxeysay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga dareemayay Magaalada Muqdisho.

Kulamadan ayaa waxey ku soo aadayaan iyadoo 31-ka bishan lagu wado in la qabto kulanka Baarlamaanka, kaasi oo codka kalsoonida loogu qaadi doono Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ah Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Kala soco www.mareeg.com waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!