Shir Xasaasi Ah Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada New York
Waxaa maanta Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ka furmaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey waxaana Shirkaasi dowlada Soomaaliya uu uga qeybgalayo wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.
Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuiliyiin kale kuwaasi oo horey u gaaray Magaalada New Yorka ,si ay u soo dhaweeyaan Ra’iisul Wasaraaha iyo wafdigiisa.
Shirkaan maanta ka furmaya Magaalada New York ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo badan waxaana kamid ah in la taageero wadamada soo koraya oo ay ku jirto Soomaaliya iyadoona Shirkaasi uu Khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeedin doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Comments are closed.