Shir xasaasi ah oo maanta ka furmaayo Kismaayo iyo Amaanka oo la adkeeyay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shir xasaasi ah oo maanta ka furmaayo Kismaayo iyo Amaanka oo la adkeeyay

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland uu ka furmo Shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira,kaasi oo looga hadli doono xaalada guud ee dalka iyo Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda ugu Sareeysa maamul goboleedyada oo qaar kamid ah ay shalay gaareen Magaalada Kismaayo,iyagoo xalay kulamo kala gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo Waxgaradka.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa  shalay gaaray Magaalada Kismaayo,waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa gaarin Kismaayo,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro halkaasi,si uu ugu biiro madaxda maamul goboleedyada oo ku sugan Magaalada.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay,waxaana wadooyinka waa weyn ee Magaalada la dhigay Ciidamo gaar ah oo ay Jubbaland ugu talagashay sugida amniga.

 

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!