Shir wasiirada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya dalka Kuwait

Read Time:1 Minute, 17 Second

Kuwait – Mareeg.com: Shirka wasiirrada arrimaha debadda Carabta ayaa manta ka furmaya magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwiat, waxaana shalay halkaas gaaraay wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Shirka wasiirrada arrimaha debadda ee Carabta ee manta la filayo inuu dhaco ayaa waxaa ka horreeyey shirka Wasiirada Maaliyadda ee Wadamada Jaamacadda Carabta.

Shirka weasiirrada maaliyadda wadamada Carabta ayaa waxaa ka qeybgalay Xog-hayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-carbi iyo Wasiirada Maaliyadaha dhamaan Wadamada Carabta.

Shirkan oo Soomaaliya u matalayay Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxa inta badan looga hadlay sidii Wadamada Carabta isku soo dhawaasho dhanka Maalgashiga ah loo samayn lahaa.

Wasiirka Maaliyadda oo Warbaahinta a hadlay ka markii uu shirkaasi soo dhamaaday ayaa inoo sheegay in laysku raacay dhamaan waxyaabihii laga dooday.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa gaaray Magaalada Kuwait City ee Caasimadda Dalka Kuwait si uu uga qayb galo shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Carabta oo manta Kuwait ka furmi doona.

Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Kuwait u tegay ka qeybgalka shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda oo maalinta bari ah furmi doona.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana la filayaa inuu tago dalka Kuwait si uu uga qeybgalo shir madaxeedka waddamada Carabta, kaasoo sanadkaan uu hareeyey khilaaf xagga ajndaha ah.

Dalalka Carabta ayaa isku khilaafsan arrimaha dalalka Masar iyo Suuriya, sidoo kale shirka sanadkaan ayaa kusoo beegmay xilli khilaaf ka dhex jiro qaar ka mid ah dalalka Iskaashiga Khaliijka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.