Shir wadatashi ah oo Garowe uga furmay dowladda Somalia & maamul goboleedyada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shir wadatashi ah oo Garowe uga furmay dowladda Somalia & maamul goboleedyada

Mareeg.com: Waxaa maanta magaalada Garowe ka furmay shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmu u furay shirka 2-aad wadatashiga dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha kah.

Shirkaan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa waxaa ka qeyb galaya guddiyo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Furitaanka shirkaan ayaa laga jeediyay qudbado kala duwan oo ka hadlayay muhiimada shirkaan uu u leeyahay danaha Soomaaliya iyo dowladnimada, Waxaana hadalo ka jeediyay inta badan wafuuda shirka.

Madaxweynaha, Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay shirka ayaa sheegay inaysan jirin cid Puntland ku taageertay qabashada shirkaan, isagoo sheegay inuu  ku yimid isku tashiga Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay Puntland inay doonayso in sanadka 2016 ay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho, doorashadaas oo ka wanaagsan kuwii hore dalka Soomaaliya horey usoo maray.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna khudbad dheer ka jeediyay shirkaan ayaa sheegay wadatashiga la isugu yimid Garowe inuu tilmaam wanaagsan ka bixinayo sida ay madaxda Soomaalida iyo maamulada uga go’an tahay inay ka shiraan danta ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwyene Xasan Sheekh ayaa madasha ka cadeeyay inay Puntland horumar wanaagsan gaartay, isagoo tusaale usoo qaatay horumarka iyo nabad galyadaka jirta magaalada Garowe./

Madaxweyne xasan Sheekh ayaa sheegay in looga baahan yahay Puntland inay dadaalkooda  ku daraan raadinta dowladnimada Soomaaliya oo awood leh.

Wuxuu madaxweyne Xasan sheegay in shirka ka socda degmada Cadaado lagu dhisayo maamul aan saameyn ku yeelan doonin maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo ka hadlayay barnaamijka Hiigsiga cusub “New deal”, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay badalaan siyaasadooda barnaamijkaan.

DSC_0626DSC_0640DSC_0656DSC_0657DSC_0703DSC_0710DSC_0764DSC_0774DSC_0780

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!