Shir uu Madaxweyne Farmaajo Iclaamiyay oo baaqday
Waxaa maanta lagu waday in uu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka Soomaaliya.
Shirka waxaa horey u iclaamiyay Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana lagu waday in uu maanta oo ay taariikhdu tahay 17-Bisha September uu u furmo Madaxda ugu sareeysa dowlada iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo dhawaan ku shiray Magaalada Kismaayo ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay in Muqdisho aysan shir uga qeyb geli Karin,isla markaana Dowlada dhexe ay xiriirka u jareen.
Dhinaca kale waxaa meeshii ugu xumeyd maraya Xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeyay Madaxa dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Comments are closed.