Categories
Af Soomaali Africa Somalia

Shir uu ka qeyb galayo RW Kheyre oo ka furmay Dooxa

Magaalada Dooxa ee Caasimadda Wadanka Qatar waxaa Maanta oo Sabti ah la furmay Shirka Madasha Dooxa oo ay Soomaaliya uga qeyb malaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in Shirka uu khudbad dheer la jeediyo taas oo uu kaga hadlayo horurmarka Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha iyo dalalka taageera.

Amiirka dalka Qatar oo shirka furay ayaa soo dhaweeyey Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa,isaga oo baaq u direy.

By Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga