Kulan Taliyaaniga ku dhexmaray wasiirada arrimaha debadda Soomaaliya iyo Jarmalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kulan Taliyaaniga ku dhexmaray wasiirada arrimaha debadda Soomaaliya iyo Jarmalka

Mareeg.com: Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa ku kulmay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga oo uu ka soconayo shir looga hadlayo dadka soo galootiga ku ah qaaradda Yurub.

Sida ay shaacisay safaaradda Jarmalka ee Nairobi, Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo dhiggiisa Steinmeier  ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa ka warbixiyay horumarrada ka jira gudaha Soomaaliya iyo hannaanka nabadeynta iyo dimoqoraadiyeynta ee ay dowladda Soomaaliya ka waddo dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Steinmeier ayaa faahfaahiyay taageerada ay dowladdiisu ku bixineyso nabadda, degganaanshaha iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda midnimada iyo wada-shaqeynta.

Dowladda Jarlamka ayaa u qoondeysay horumarinta Soomaaliya boqol milyan oo Yuuro, sidoo kale waxay ka qeyb qaadataa arrimaha bani’aadamnimada, ayadoo dowr ku leh dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta iyo  howl-galka midowga Yurub ee lagu tababarayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!