Shir looga hadlayo xadgudubyada Amisom u geysatay dumar Soomaali ah oo ka socda K/Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shir looga hadlayo xadgudubyada Amisom u geysatay dumar Soomaali ah oo ka socda K/Afrika

Mareeg.com: Waxaa ka furmay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika shir looga hadlayo xadgudubyada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM kula kacaan haweenka Soomaaliyeed.

Fududeynta shirkan ayaa waxaa gacan ka geysatay hay’adda ACCORD oo ka shaqeysa nabadeynta, fadhigeeduna yahay Johannesburg, waxaana shirkan ka qaybgalaya madaxda AMISOM iyo wufuud kala duwan oo dunida ka kala timid.

Kulankan ayaa waxaa furay wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia ahna madaxa howlgalka AMISOM, danjire Maman Sambo Sidikou oo maalmo ka hor shaqada billaabay, isagoo sheegay in dastuurka Midowga Afrika uusan ogoleyn in waxyeello loo geysto shacabka.

“Xarunta Midowga Afrika aaad ayaa looga hadal hayaa arrintan ku saabsan kufsiga lagu eedeeyay ciidamada AMISOM inay u geysteen haween Soomaali ah, waxaase la wadaa sidii xaqiiqada arrintaas lagu ogaan lahaa,” ayuu yiri Sidikou.

Maalmaha uu shirku socdo ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa ka hor-tagga anshax-xumadda lagu dhaqmo haweenka Soomaaliyeed ee ay ciidamada ka tirsan AMISOM geystaan. Waxaana si gaar ah diiradda loo saari doonaa sidii madaxda AMISOM ay arrintaan u maareyn lahaayeen.

Saraakiisha AMISOM oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in hay’adda HRW ay tahay hay’ad reer galbeed ah oo ujeeddo gaar ah leh; isl markaana rabta inay baabi’so guulaha is-daba-jooga ah ee AMISOM ka gaareen howlgallada ay kawadaan Soomaaliya.

Sarkaal sare oo shirka ka qayb-galaya ayaa sheegay in shirka lagu magacaabi doono guddi ka socda Midowga Afrika oo baaris ku sameyn doona xad-gudubka la sheegay inay ciidamada AMISOM geysteen.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay warbixin ay HRW soo saartay dhawaan, taasoo ku saabsanayd falal kufsi ah oo ay ciidamadu u geysteen haween Soomaaliyeed oo dawooyin iyo cunno u raadsaday xeryaha ay AMISOM kaga sugan yihiin Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!