Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya Denmark * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmaya Denmark

Mareeg.com: Magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark ayaa maanta waxaa ka furmaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Ujeedada shirka ayaa waxay tahay in dowlada Soomaliya iyo beesha caalamka ay ka wada hadlaan wixii ka qabsoomay heshiisyadii hore ee geedi socodka loogu magac daray Hiigsiga cusub ee Soomaliya.

Shirkan waxuu daba joogaa shirkii hore uga dhacay Brussels ee lacagaha badan loogu yaboohay dowlada Soomaliya, dowladana waxay sheegtay in lacagahaasi ay waxyar uun ka soo gaareen.

Arrimaha sidoo kale diirada lagu saarayo kulankan maanta ka bilowday caasimada Denmark waxa aka mid ah amaanka, daqliga dalka garsoorka iyo hiigsashada sanadka 2016.

Shirka waxaa ka qeybgalaya dalalka dhaqaalaha siiya Soomaaliya, hay’ado caalami ah iyo madaxda Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa hogaaminaya wafdiga dowlada Soomaliya ka socda, waxuuna shirkan ku soo beegmaya xilli uu khilaaf adag u dhaxeeyo madaxda dowlada federaalka.

Dowladda Mareykanka ayaa horey ugu hanjabtay inaysan ka qeybgaleynin shirkaasi, taas oo ay sabab uga dhigtay marka hore in la xalliyo arrinta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.