Shir Looga Hadlayo Arrimaha Qaxootiga Soomaalida Oo Dhacaya Kenya

Read Time:1 Minute, 6 Second

Nairobi, November 9, 2013: Shir looga hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ayaa ka dhacaya dalka Kenya, iyadoo shirkaas ay ka qeybgelayaan dowladda Soomaaliya, dowladda Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

Wafdi sare oo ay hogaamineyso Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam oo shalay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa dowladda Soomaaliya uga qeybgelaya shirkaas.

Shirkani sadex geesoodka ah ayaa furmi doona beeri oo ah 10- bishan November ayaa waxaa ka wada qeyb galaya Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya Aamina Maxamed iyo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Laanta qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR), waxaana kulankani looga hadli doonaa qaabkii loo maareyn lahaa qorshaha dib u celinta iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha kala duwan ee ku yaala wadanka Kenya .

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo tiradoodu lagu qiyaaso 535,000 ruux , ayaa la qorsheynayaa in dib loo dejiyo deegaanadii ay horey uga barakaceen , iyadoo la fulinayo qorshaha qaran ee dowladda ee arrimahaasi ku saleysan.

Dowladda Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay ku celcelineysay iney qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga dalkeed dib ugu celineyso dalkooda Soomaaliya, iyadoo qaxootiga qaar ku eedeysay iney halis ku yihiin Kenya.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %