
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu qabtay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga dalka iyo mas’uuliyiin ka socotay dowlaha iyo hay’ado heer caalami ah dowladda ka taageera dhanka amniga.
Shirka oo looga hadlay dardar-gelinta qorshaha howl gallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab ayaa lagu bogaadiyay howl galladii ay hormuudka ka ahaayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagula wareegay degaannada hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose ee Sabiid, Caanoole iyo Bariirre.
Shirka Amniga ee dhex maray hay’adaha amniga dalka iyo dhinacyada Soomaaliya ka taageera amniga ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay gargaaridda dadka ku nool deegaannada Shabaabka laga xoreeyay iyo in deegaannada la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshe ciidamo booliis ah lagu gaynayo deegannada ciidanka xoogga dalku kala wareegeen Al-Shabaab.